Wararka Gudaha

Qarax Lagu Weeraray Kontoroolka Koowaad ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada.

Jugta qarax xoogan ayaa laga maqley qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, qaraxaas oo ka dhacay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada ee Villa-Somalia.

Qaraxa waxaa lagu weeraray Kontoroolka koowaad ee xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa qaabilsan sugida amniga Madaxtooyada.

Xilliga uu qaraxa dhacayay waxaa goobta ku sugnaa ciidamo badan oo dowladda katirsan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana uu kusoo aaday xilli todobaad kahor guutada madaafiicda ee Al-Shabaab ay duqeyn khasaare geystay ku garaacday xarunta madaxtooyada.

Weerarkan wuxuu kusoo beegmay, xilli gelinkii dambe ee shalay uu dalka dib ugu soo noqday madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ka yimid magaalada Nairoobi, halkaas oo uu kusoo galay heshiis la sheegay inuu mugdi gelinayo badda Soomaaliya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*