Wararka Gudaha

Faahfaahin Horudhac Ah oo Kasoo Baxaysa Weerarkii Madaxtooyada.

Faahfaahin horudhac ah ayaa laga helayaa weerarkii qaraxa ahaa ee maanta lala beegsaday Koontaroolka koowaad ee xarunta Madaxtooyada kaasoo ay geysatay Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jirtay Dowladda federalka ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helay ayaa waxay sheegayaan in weerarka ay ku dhinteen 15 isugu jira ilaalada iyo shaqaalaha Madaxtooyada. Gaadiid nooca gurmadka degdegga ah ayaa in muddo ah ku hawlanaa daabulidda meydadka iyo dhaawacyada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u culus. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Dhawaan madax ka tirsan DF ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab aysan weerari karin xarumaha dowladda balse ay weerareyso hotelada ay degaan xildhibaanada iyo diblumaasiyiinta.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo aaday xilli Sabtidii lasoo dhaafay ay Xarakada Al-Shabaab madaafiic ku weerartay isla halkan Madaxtooyada.

Xigasho: Radioalfurqaan.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*