Wararka Gudaha

Sawirro: Ciidamada Bankaraf Ee Mareykanka oo Burbur Iyo Dhac Ka Geystay Tuulo Ku Taalla Sh/hoose.

Ciidamada Bankaraf ayaa dhac iyo qarbudaad ka geystay tuulo ku taalla Sh/hoose iyagoo si daran u qalqal galiyay bulshada. Tuulada oo lagu magacaabo Busley islamarkaana hoos tagta degmada Jannaale ayay habeen hore weerareen waxayna jabiyeen guryo badan oo ay qoysas hurdayeen.

Dadka tuulada oo u badan xoola dhaqato iyo beeraley ayaa sheegay in laga dhacay lacago boqollaal dolar ah iyo qalab ay kamid yihiin telefoonada gacanta. Sawirrada waxaa laga dheehan karayaa guryaha ay albaabadooda jabiyeen.

Jabinta albaabada ayaa waxay u adeegsanayeen qaraxyo miinooyin ah oo sas iyo cabsi ku beeray caruurta iyo waayeelka. Ciidamada Bankaraf ayaa waxaa la socday kuwa caddaan ah, waxaana ay goobta uga tageen qalab u muuqda inuu yahay walxa qarxa.

Mareykanka ayaa markuu hore ku andacoon jiray inuu Al-Shabaab la dagaalamayo laakin hadda waxaa muuqata inuu bulshada reer miyiga ah barakicinayo.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*