Wararka Gudaha

Al-Shababa oo Dagaal Kula Wareegay Degaan Ka Tirsan Hiiraan.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaaday askar ka tirsan kuwa Liyu Boliska ee u shaqeeya Itoobiya oo ku sugnaa degaanka Ceel-cadde ee duleedka magaalada Baladweyne.

Dagaal muddo socday kadib waxay ciidamada Liyu Bolisku isaga carareen degaanka taasoo sababta in ay Al-Shabaab la wareegaan gacan ku heynteeda sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Hiiraan.

Askarta Al-Shabaab ayaa baaritaano ka sameeyay magaalada balse waxaan illaa iyo hadda la helin faahfaahin intan dhaafsiisan oo ku aadan khasaaraha dagaalka iyo xaaladda guud ee degaanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*