Wararka Gudaha

Kamiin ka dhacay Inta u dhexeysa Waajid iyo Buurdhuxulle.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabba gal ah u dhigay askar ka tirsan kuwa maamulka Koofur galbeed oo ku lugeynayay inta u dhaxaysa degmada Waajid iyo degaanka Buurdhuxulle ee wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool.

Askarta dhabbaha loo galay oo socdaal ku jiray ayaa lagu soo waramayaa in markiiba ay xabbadu ku billaabatay ay goobta isaga carareen, waxaana ay ka tageen oo kaliya meydka hal askari.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay howlgalka kamiinka ku furteen qori AK47 ah.

Hawl galkan ayaa dhacay maalintii shalay waxaana uu kusoo aaday xilli uu gobolkaasi ku yaraaday dhaqdhaqaaqa ciidamada K/galbeed iyo kuwa Itoobiya, sababo la xiriira Kamiinada oo ku batay.

Inta badan degmooyinka ay ku sugan yihiin ciidamada Xabashida waa go’doon kuwaasoo markey saad doonanayaan la kulmay khasaare dhimasho iyo mid hantiyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*