Wararka Dibadda

Itoobiya iyo Masar Oo Qarka Usaaran in Ay Ku Dagaallamaan Biya Xireenka Wabiga Niil.

Waxaa heer gaba gaba ah maraya biya xireenka weyn ee dowladda xabashida itoobiya ay ka dhisayso halka uu kasoo askumo Wabiga Niil arrinkaas oo khilaaf dhanka siyaasadda ah ka dhax oogay dhowr dowladood oo uu maro wabiga Niil oo ah wabiga ugu weyn caalamka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 60% ladhisay biya xireenka Alnahda oo lacago balaayiin dollar ah uga baxday dowladda itoobiya oo kamid ah dowladaha ugu faqrisan caalamka balse hadda doonaysa in dhaqaalaheeda ay ka wax kabedesho marka ay dhameystirto biya xireenkan.

Wararka ka imaanaya itoobiya ayaa sheegaya in kumanaan katirsan ciidanka melleteriga iyo kuwa cirka lagu daad gureeyay halka laga dhisayo biya xireenka loogu magac daray Alnahda oo haddii dhismihiisa lagu guuleysto noqon doona biya xireenka ugu weyn qaaradda afrika iyo biya xireenka 10-aad ee caalamka ugu weyn.

Durbadiiba colaadda u dhaxaysa dowladaha Masar iyo itoobiya ayaa cirka isku shareertay kadib markii wasiirro labada dhinac uhadlay ay warbaahinta isku dhaafsadeen lahjado kulul, wasiirka waraabka,korontada iyo Biyaha dowladda itoobiya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Addis ababa wuxuu si cara leh u sheegay in marnaba aysan joojin dhismaha biya xireenka wuxuuna ka jawaabayay ishaacaad soo baxay oo ahaa in Itoobiya ay hakisay dhismaha sababa la xiriira cadaadis uga yimid dhanka Masar.

Wariye katirsan teleshinka afka carabiga ku hadla ee Aljazeera oo booqday biya xireenka Alnahda ee itoobiya ayaa sheegay in uu soo arkay dhisme si xowlli ah ku socda wuxuuna sheegay in xabashidu ay sameeyeen wax u eg bad yareey oo lagu keydinayo biyaha wabiga Niil taas oo sababi karta in biyaha wabiga ay yaraadaan, malaayiin qof masaari ahna ay oon udhintaan, ninkan saxafiga ah waxuu leeyahay Itoobiyaanku waxay rajeynayaan in korontada ay ka dhalin doonaan biya xireenka Al-Nahda ay u iibgeyn doonaan wadamada dhaca koonfurta qaaradda afrika iyo xitaa galbeedka qaaradda Yurub.

Wasiir katirsan dowladda dabadhilifka Suudaan ayaa sheegay in dowladiisu ay raalli ka tahay mashruuca ay waddo itoobiya wuxuuna si jeesjees leh u yiri “biyihii dhanka masar naga aadi jiray ayaa dhankeena soo maraya” arrinkaas oo ka caraysiiyay xukuumadda Masar oo Suudaan ku eedeysay in ay uga hiilisay itoobiya.

Waxaa fashilmay heshiiskii u dhaxeeyay sedax dowladood ee uu maro wabiga niil kuwaa soo kala ah itoobiya oo uu wabigu kasoo askumo iyo masar iyo suudaan oo uu biyaha ku shubo, Addis Ababa iyo khurduum ayaa umuuqda kuwa sameystay isbahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Masar taas oo xaaladda sii adkeyn karta.

Hoos Ka Daawo VEDIO.

Isha qoraalka Somalimemo.net  

Isha Vedio-ga Aljaziira.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*