Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Al Shabaab Oo Weerar Gaari Lagu Gubay Ku Qaaday Ciidamo Ku Socdaalayay Duleedka Degmada Jowhar.

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka kasoo gaaray dagaal culus oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo ka amba baxay magaalada Jowhar kunasii jeeday dhanka magaalada Muqdisho, dagaal culus ayaa la sheegay in labada dhinac uu ku dhaxmaray halka loo yaqaan Koongo.

Ciidamada Al Shabaab ayay usuurtagashay in ay gacanta ku dhigaan gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xirnaa qori nuuca Dhashiike ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in goobta dagaalka lagu arkay Meydadka 8 askari oo uu kujiro taliye ciidan oo magaciisa lagusoo gaabiyay Max’med Raage.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay gubeen gaariga Cabdi Bilaha ah kadib markii cilad kasoo gaartay dhanka Matoorka waxayna ka furteen qorigii ku xirnaa, xoogaga Al Shabaab ayaa dib uga gurtay deegaanka weerarku ka dhacay.

Wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa bilihii lasoo dhaafay marti gelinaysay weeraro dhiig badan uga daatay ciidanka dowladda iyo qaraxyo lala eeganayay gaadiidka ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*