Wararka Gudaha

Ra’iisulwasaare Ku Xigeenka DF oo Afka Amxaarada Ku Khudbeeyay.

Mahdi Maxamed Guuleed oo ah ra’iisulwasaare ku xigeena DF ayaa ka qeyb galay munaasabad sannadeed oo qabsadaan qowmiyadaha Itoobiya iyadoo aan la sheegin qowmiyadda uu ra’iisulwasaaruhu ku matalayay.

Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday oo kaliya dowladaha ay Itoobiya xuduud beenaadyada la wadaagto marka laga reebo Erataria si ay ugu layliso danaheeda mustaqbalka oo ah in ay wadamadaas kamid noqdaan dalkeeda.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka oo ah nin heysta dhaqanka Itoobiya jaamacadna uga baxay dalkaas ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay oo DF ka tirsan islamarkaana ku khudbeeya afka amxaarada.

Khudbaddiisa ayaa aad usoo jiidatay madaxda Xabashida, waxaana mid kamid ah siyaasiyiinta Itoobiya uu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in madaxda Soomaalida ay hadda kadib ku khudbeyn doonaan afka amxaariga.

Mahdi ayaa amaan kala dul dhacay Xabashida isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb galka munaasabaddan. Waa nin heysta dhalashada Ingiriiska. Wuxuu jaamacad uga baxay dalka Itoobiya. Wuxuu usoo shaqeeyay hey’adda UNDP. Waxaa dowladda kusoo dartay Itoobiya.

Itoobiya ayaa Soomaaliya u degtay istaraatiijiyad ka daran dagaalka xabadda ah kadib markii ay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa DF caado ka yeesheen in sannad walba ay dalkaasi u dhoofiyaan boqollaal arday ah oo ka baxday dugsiyada sare si ay jaamacadahooda ugu soo dhameystaan Adis-ababa. Haddaba aqristow, ma isweydiisay waxa laga filan karayo arday kasoo baxay Jaamacad ku taalla Itoobiya?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*