Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Axmad Madoobe oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Wararka ka imaanaya deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar dhabbagal ah uu lakulmay hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa wadada ugalay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Axmed Madoobe oo ku magacaaban madaxweynaha maamulka ‘Jubbaland’.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo xooggan ay maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo xoogaga Al Shabaab ku dhaxmareen wadada xiriirisa deegaannada Baarka iyo Buula Guduud.

lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka Kismaayo balse Axmed Madoobe ayaa isagoo bad qaba dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*