Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Gaadi Gaashaaman oo Amisom Looga Gubay Muqdisho, Sarkaal Lagu Dilay Balcad Iyo Cabdi Bile Lagu Gubay Dukeedka Xamar.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararka laga helayo xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM xilli uu ku socdaalayay isgoyska Ex.control Balcad.

Qaraxa ayaa gabi ahaanba burburiyay gaariga waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhammaan ciidamadii la socday, qof goob jooge ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in uu arkay gaariga oo ku gubanaya wadada laamiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kolonyada AMISOM ay socodkeeda iskasii wadateen  iyadoona gaariga gubtay ay goobta uga tageen arrinkaas oo muujinaya in ciidamada shisheeye ay ku daaleen kuna jabeen dagaalka 12 sana jirsaday oo ay uga jiraan dalka Soomaaliya.

 Dhinaca kale gaari Tikinika ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Bangaraafta ayaa qarax lagula eegtay deegaanka Weydoow ee galbeedka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale qarax xooggan oo saaka ka dhacay duleedka Balcad ayaa sababay dhimashada sarkaal sare oo katirsan ciidamada dowladda Dowladda, Jiinoow Cigaal oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ciidamada dowladda Sh/dhexe ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhitay lala helay kolonyo gaadiid ah.

Jiinoow Cigaal ayaa ahaa sarkaal sedax xidigle ah oo katirsanaa ciidamada Melleteriga waxaana ladhintay mid kamida ciidamadii istaafka u ahaa, wararka ayaa intaas ku daraya in uu dhaawac soo gaaray sarkaal kale oo magaciisa lagusoo gaabiyay Maxamed Raage.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in markii uu dhacay qaraxa lagu sarkaalka kadib uu dhacay qarax kale oo lala helay gaari Cabdi Bile ah oo gurmad ahaan ugasoo dhaqaaqay degmada Balcad.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*