Maxaa Cusub, Muxaadaraad, Uncategorized, Wararka Gudaha

Sawirro: Hey’adda Al-Ixsaan oo In Ka Badan 2200 oo Qoys Raashin Ugu Qeybisay Sh/Hoose.

Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-Ixsaan ayaa mashruuc raashin qeybin ah ka fulisay tuulooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Jamciyadda oo hawshan ku hawlanayd maalmihii ugu dambeeyay ayaa maanta oo Axad ah soo gabagabeysay mashruuceeda. Mashruucan ayaa waxaa laga hir galiyay 27 Tuulo oo hoos tagta Jannaale, Awdheegle iyo degmada Afgooye.

Waxaa ka faa’iideystay 2276 qoys (Laba kun laba boqol todobaatan iyo lix qoys) oo dan yar ah. Dadkan ayaa dareen aad u farxad badan ka muujiyay gurmadkan uga yimid hey’adda Al-ixsaan.

Noocyada raashinka ee dadka la siinayay waa: Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*