Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

DF-ka oo Gaari Dagaal Iyo Ciidamo Ku Weysay Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Wararka ka imaanaya deegaanka Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooga lala eegtay maleeshiyaat ka tirsan DFS oo ka yimid dhanka Sh/hoose kuna sii jeeday Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala helay gaari nooca dagaalka ah ee ay Soomaalidu u taqaano “Cabdi Bile” waxaana la sheegay in uu gabi ahaanba burburay gaariga islamarkaana ay haraadigiisa goobta ka jiiteen maleeeshiyaatka DFS.
Inta la xaqiijiyey qaraxan waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex askari oo katirsan maleeshiyaatka dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ku dhaawacmay illaa 5 askari oo kale.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in ay qaraxa fuliyeen ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta islamarkaana uu ujeedku ahaa in la xanuunjiyo  maleeshiyaat ay dhaq-dhaqaaqooda la socdeen oo ka yimid dhanka Sh/hoose.
Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ka fulisay qaraxyo lagu laayay maleeshiyaat Soomaali ah oo ka yimid furimaha dagaalka ee Sh/hoose kuna sii jeeday magaalada Muqdisho iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*