Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Askari Ka Tirsan Ciidamada DF oo Lagu Dilay Heliwaa.

Jimco, November, 03, 2017 rag hubeysan oo loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku dilay askari ka tirsan ciidamada DF oo ka hawl galayay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in markii askariga la toogtay kadib laga qaatay qorigii uu sitay oo noociisu ahaa AK47, muddo kadib dhacdana waxaa goobta soo gaaray askar gurmad ah oo meydkiisa qaaday.

Weerarada noocan ah ee loo geysto ciidamada dowladda ayaa qeyb ka ah dhacdooyinka joogtada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, mana jiro wax hadal ah oo uu maamulka degmada Heliwaa ka yiri askariga la dilay.

 

 

 

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*