Uncategorized, Wararka Dibadda

Mareykanka oo qiray in Sarkaal katirsan ciidanka Khaaska ah looga dilay Wadanka Afghanistan.

Mid kamida saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa markale lagu dilay dagaalka 18 sana jirsaday ee ka socda wadanka Afghanistan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda difaaca Mareykanka (The Pentagon) ayaa lagu sheegay in sarkaal sedax Xidigle American ah uu ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Helmand ee Koonfurta Afghanistan.

Sedax Xidigle Eliot Rabinowitz ayaa lagu dilay gobolka Helman wuxuuna katirsanaa ciidamada khaaska ah ee Mareykanka balse Mareykanku ma sheegin qaabka uu dilay sarkaalka.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Mareykanku xaqiijiyay in Taliban ay laba askari uga dishay weerar ka dhacay Koonfurta wadanka Afghanistan, weerarada ay xoogaga Taliban ku hayaan ciidamada Americanka ee Afghanistan ayaa ah kuwa sii xoogeysanaya waxayna weeraradan imaanayaan xilli Washington ay qorshaynayso in ay ciidamadeeda kala baxdo wadankaas.

Xigasho:Somalimemo.net

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*