Uncategorized

DF oo Ku Been Abuuratay Hogaamiye Daariq Bin Ziyaad!!. (Qormo Jawaab Ah)

بسم الله الرحمن الرحيم

Magacaygu waa Ust. Cali Xaai Maxamad, oo ku nool magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Inta badan ma jecli inaan warbaahinta ka hadlo, hab qoraal iyo hab muuqaal ama cod ahaan intaba, balse waxaa maanta igu dhaliyay arrin aan is iri waajib ayay kugu tahay. Haddaba aqristayaal Sabtidii shalay waxaa shir jaraa’id qabtay yarka afhayeenka u ah maamulka gobolka Banaadir ee la yiraahdo Saalax Dheere kaasoo faahfaahin ka bixiyay tallaabooyinka ay qaadeen qarixii Arbadii kadib iyo qorshe hawleedkooda.

Haddaba si aan sheekada usoo gaabiyo, nuxurkana u taabto, waxaa shirkaasi jaraa’id iga quseeya oo kaliya laba qodob oo u baahan in qof walba oo aqoon yahan ahi uu baraarujiyo. Midka koowaad ee aan is dul taagi doono wuxuu yahay in afhayeenku uu ku been abuurtay hogaamiyihii qaaliga ahaa ee furtay dhulka muslimiinta ee Andalus ee ay gaaladu dib inooga qabsadeen ka dib-na ula bexeen Spain iyo Burtuqaal. Waa hogaamiye General Daariq Bin Siyaad.

Afhayeenka oo isku dayaya inuu cabbiro xanuunka kasoo gaaray hawl galkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen xarunta dowladda hoose, sidoo kalana ku beer laxawsanaya bulshada Muqdisho, ayaa wuxuu yiri” “maanta waxaanu joognaa maalintii uu hogaamiyihii islaamka ee Daariq Ibnu Ziyaad, uu ciidankiisii uu ka gubay doontii ay badda kaga gudbeen ee uu ku yiri oraahdii caan baxday ee ahayd xaggiina hore waxaa idinka xiga cadawga, gadaashiinana badda, waa inaad dagaalantaan oo aad guuleysataan”

WAA MAXAY GEFAFKA IYO BEEN ABUURRADA KU JIRA HADALKAN?

Inta aanan gefefka toos u abbaarin waxaan jeclahay inaan wax yar ka ifiyo Daariq Bin Ziyaad iyo qisada furasahdii dhulka Andalus. Haddaba fakarka ah in la furto Andalus ayaa soo billowday xilligii dambe ee Khulafadii Raashiddiinta maadaama futuuxaadku uu hadba horey usii soconayay, balse wuxuu dhaqan galay sannadkii 92 Hijriyada iyo dhowr sannadood oo xigay, ujeedada furasahdana waxay ahayd in dhulkan la gaarsiiyo Towxiidka oo dadka laga saaro addoonnimada ay dadka adoomaha u yihiin loona saaro iney Alle adoomo u noqdaan, dhulkana lagana dhigo daar islaam. Waaligii Wuqooyiga Afrika, Muusaa Ibnu Nuseyr ayaa bishii Shacbaan ee sannadkii 92 Hijriyada diray ciidamo 7 kun gaaraya oo uu hogaaminayay halyeygii Dhaariq Bin Ziyaad, oo ka dhashay qabiilka Barbariyiinta, si isaga iyo jeyshkuba uga tallaabaan marin biyoodka, uguna gudbaan Andalus.

Muusaa Ibnu Nuseyr ayaa ciidamadii Mujaahidiinta u sameeyay doonyo ay kaga gudbaan biyaha isagoo doonyo kalana soo amaahday. Allaah Subxaanahu Watacaalaa ciidankii muslimiinta u suura galiyay iney ka gudbaan marinka oo wixii xilligaasi ka dambeeyay loogu magac daray (Jabalu-Daariq)
Daariq Ibnu Ziyaad ayaa ka hor inta uusan dagaalku dhicin farriin u diray boqorkii gaalada ee Andalus heystay, isagoo kala dooran siiyay sadax hal. Waa midda koowaade, Iney islaamka soo galaan, iney jisyo dhiibaan iyo iney dagaal doortaan. Gaaladu waxay doorteen dagaalkii, waayo waxay ku tashanayeen tira badnaantooda iyo gaadiidkooda fardaha. Goortaas ciidanka mujaahidiintu waxay ahaayeen 7 kun oo uu Dhaariq lasoo gudbay iyo 5 kun oo gurmad ahaan dib loogu soo diray taasoo ka dhigan 12 kun, halka gaaladu-na ahaayeen 100 kun oo askari.

Dagaal qaraar oo taariikhi ah ayaa foodda la is daray, ugu dambeyntiina waxay guushu raacday ciidankii Muslimiinta oo markii horaba qorshahooda iyo ku tala galkoodu ahaa إِحْدَى الْحُسْنَيَيْنِ” laba wanaagsan middood (Nasri ama Shahaado) Macrakadan oo qaadatay magaca goobta ay ka dhacday ee Waadi Birbaad, ayaa fure u noqotay in Andalus noqoto daar Tawxiid. Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri: كَم مِّن فِئَةٍ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةً بِإِذْنِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ” Badanaa koox yar oo ka adkaanaysa koox badan, idanka Alle, Alle wuxuu la jirkooda yahay kuwa saabiriinta ah ee dul qaadanaya.

Gaalada waxaa u cuntami waayay in 12 kun oo muslimiin ah ay ka adkaadaan Ilaahay idankiis, 100 kun oo gaalo ah. Sidaa darteed ayaa waxay sameeyeen taariikh been abuur ah oo ay ugu qiil dayayaan sababta looga adkaaday. Waxay buugaagtooda ku qoreen in Daariq Bin Ziyaad uu ciidankiisii ka gubay doonyihii ay marin biyoodka kala soo tallaabeen, ka dib-na uu u sheegay iney gadaal biyo ka xigaan, horeyna cadawgu ka xigo, sidaas-na ay is miidaamin ku sameeyeen, uguna suura gashay iney adkaadaan.

Hadalkan been abuurka ah, waa midka uu ku hadaaqay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir isagoo dabcan kasoo xiganaya buugaagta gaaladu qortay ama dadka sidiisa oo kale kasoo guuriyay. Haddaba Dr. Raaqib Assarjaani oo ah qoraaga weyn oo kitaabka Qisatul Andalus, iyo qoraa-yaal badan oo muslimiin ah ayaa sheegay in warkaas been abuurka ah uu yahay mid asalkiisii ay daabaceen qoraayaasha gaalada. Masaadirta sugan ayaa sheegaya inaanu Dhaariq gubin doonyo. Arrinta kale ee iga sii cajabisay waxay tahay, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu sii marin habaabiyay sidii ay gaaladu hadalka u dhigeen, waxaana la dhihi karaa wuxuu kusii been abuurtay gaaladii beenaalayaasha ahaa! Eeg hadalkiisii. “maanta waxaanu joognaa maalintii uu hogaamiyihii islaamka ee Daariq Ibnu Siyaad, uu ciidankiisii uu ka gubay doontii ay badda kaga gudbeen ee uu ku yiri odaahdii caan baxday ee ahayd xaggiina hore waxaa idinka xiga cadawga, gadaashiinana badda, waa inaad dagaalantaan oo aad guuleysataan”

Marka hore wuxuu khalday jagada Dhaariq Bin Ziyaad oo uu ku sheegay inuu ahaa “hogaamiyihii Islaamka” Daariq ma ahan hogaamiyihii islaamka ee wuxuu amaanduule u ahaa ciidanka Andalus furanayay. Afhayeenku wuxuu sidoo kale muujiyay in hal doon oo kaliya ay kusoo gudbeen ciidanka muslimiinta islamarkaana laga gubay, sidaasi ma ahayn ee doonyo badan ayay wateen xataa sida gaaladu qirsan tahay. Balse Afhayeenku ma mufradka iyo jamaca ayuusan kala aqoon, mise qalqalkii qaraxa ayaa wali ku dambeeya? Doonyuhu waxay ahaayeen kuwa dhaqaale badan la galiyay, qaarna lasoo amaahday, sidaa darteed qofka caaqilka ah wuxuu dareemi karaa sida aysan macquul u ahayn in la gubo, haddii ay dhici lahaydna muslimiinta ayaa wax ka qori lahaa. Tan kale ciidanka Mujaahidiintu markii horaba laba mid ayay kusoo tala galeen oo ah Nasri ama Shahaado, halkaasna waxaad ka garan kartaa ineysan waxba usoo kordhineyn doonyo la gubo.

DAARIQ BIN ZIYAAD IYO FARMAAJO

Andalus waxay ahayd Ribix (Faa’iido) Soomaaliyana waa Ra’sumaal (Lafo) waayo Andalus waxaanu ka furanay gaaladii heysatay, diintana waanu gaarsiinnay, laakin Soomaaliya waa Ra’sumaal oo waxay diintu soo gaartay xilligii hijradii saxaabada. Daariq Bin Ziyaad wuxuu noo keenay Ribixaas, Farmaajase maanta wuxuu gaalada siinayaa Ra’sumaalkeennii! Itoobiya oo ah cadawgeena, dhulna inaga heysata ayuu barqa cad u saxiixay afar Dekedood, markaas baa haddana waxay ummada u sheegayaan iney Daariq oo kale yihiin!!

Isaga iyo Daariq waxa kala yihiin laba nin oo uu midi keenay faa’iido, midina uu dhaxalkii awoowgii gaalo siiyay, kuna sii faanaya inuu lamid yahay kii faa’iidada keenay. Haddana dhinac kale aan kaa tuso. Daariq wuxuu ahaa nin gaalada Towxiidka ugu yeerayay oo diiday wax aanan ka ahayn Diinta Islaamka oo lagu dhaqmo, balse maanta Farmaajo ma wuxuu wadaa Towxiid mise wuu la dagaalamayaa?

Daariq oo ahaa nin Gar weyn leh oo Sunnadu ka muuqato ayaa wuxuu xambaarsanaa Kitaabka Qur”aanka kariimka ah, Balse Farmaajo oo leh Shaarub weyn Garkiina iska xiiray, usbuuc walbana daawada Niiko iyo Fisqi ayaa wuxuu xambaarsan yahay Dastuurka Qabyo-qoraalka ah ee ay gaaladu diyaarisay iyo xeerka Jinsiga ee ay golaha Wasiiradu ansixiyeen kaasoo dhigaya raggu iney is guursan karaan!. Intaa waxaa dheer in Farmaajo uu sannadkii 2011-kii yiri: “dagaalka aan ka wadno Muqdisho waxaan ku difaacaynaa shacabka Newyork” Haddaba aqristayaal Idinka ayaan idiin deynayaa inaad kala saartaan Malabka iyo Dacarta la isku walaaqayo.

FG: Daariq Ibnu Ziyaad oo kaliya ma furan Andalus ee waxaa jira halyeeyo kale oo qaali ah oo futuuxaadkiisii wax kusii daray waxaana kamid ah: C/raxmaan Addaakhil, Yuusuf Bin Taashfiin, C/raxmaan Alqaafiqi iyo rag kale, waxayna muslimiintu halkaa ka talinayeen muddo 800 oo sano ah ama 8 qarni halkaasoo ay illaa iyo maanta ku yaallaan dhismayaashii ay muslimiintu ka hir galiyeen iyo Masaajiddii oo sidoodii ah balse Kaniisado loo beddalay.

 

ما فتئ الزمان يدور حتى… مضى بالمجد قوم آخرونا
وأصبح لا يرى في الركب قومي …وقد عاشوا أئمته سنينا
وآلمني وآلم كل حر … سؤال الدهر : أين المسلمون ؟

DARDAARAN KOOBAN

Daadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed waxaan usoo jeedinayaa iney taariikhda akhriyaan gaar ahaan tan Andalus, waayo maanta waxaa nalagu salladay kuwa lamid ah daba dhilifyadii markii dambe Andalus gaalada u gacan galiyay, waayo markii Andalus la qabsanayay waxay kuwii gaalada ku xirnaa u qeybiyeen maamul goboleedyo sida maantaba dalkeena lagu wado.

WQ: Ust Cali Xaaji Maxamad.

FG: XUQUUQDA QORMADA IYO FAKARKA AY XAMBAARSAN TAHAY WAXAA ISKA LEH QORAHA, LOOMANA TIIRIN KARO SHABAKADDA AMIIRNUUR.COM.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*