Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Askari lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Rag hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah ciidamada Sirdoonka ee dowladda federaalka.

dilka ayaa ka dhacay xaafada suuqa xoolaha degmada Hurwaa ee Magaalada Muqdisho.

ragga dilka gaystay oo loo badinayo inay katirsan yihiin xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa horay usiiq aatay mooto bajaaj uu watay askari ay dileen.

ciidamo katirsan dowladda ayaa waqti danbe yimid goobta waxaana ay ka qaadeen meydka askariga.

ammaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana ka socdo dilal qorshaysan oo ay fulinayaan dagaalyahanada shabaabka ee ha howlgalla Magaalada.

dhawaan ayay ahayd markii sarkaal katirsan ciidamada Booliska lagu dilay magaalada Muqdisho.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*