Mareegta idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ee (Radioalfurqaan.com) ayaa caawa dib hawlaheedii u billowday kadib muddo saacado ah oo ay cilladaysnayd, waxaana ay idaacaddu bixisay raali galin ku socota dhageystayaasheeda iyo akhristayaasheeda iyagoo uga cudur daaratay mudada ay hawshu hakadka ka gashay, waxaana raali gelin kadib ay baahisay barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada oo caawa ka baxay Idaacadda.