Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Askar Itoobiyaan Ah oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Lagula Beegsaday Hiiraan.

Guutada Qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar la beegsaday ciidamada Xabashida ah ee heysta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah askarta Xabashida ayaa qarax lala helay xilli ay lugeynayeen afaafka hore ee magaalada, waxaana kasoo gaaray khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku dhintay 2 askari oo Itoobiyaan ah kuwaasoo inta badan googo’ay, halka ay askar kalana dhaawacmeen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhacdada kadib rasaas oodda ka qaaday laakin waxay ahayd mid ay kaligood ridayeen, meel cidlo ahna ay ku tooganayeen maadaama aysan jirin cid la dagaalamaysay.

Askarta Xabashida ayaa kuwa kale ee shisheeye kala siman ciriiriga ay ku nool yihiin, waxaana lala beegsadaa weeraro toos ah iyo qaraxyo mar walba oo ay isku dayaan iney dhufeysyada dibadda uga baxaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*