Kadib 8 bilood oo guul darro dhan walba ah dhabarka loo saariyay maleeshiyaadka uu taageero isbahasiga Carabta ee Yemen ku duullay ayay ugu dambeyn qabsadeen deegaanno istiraatiiji ah.
Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in maleeshiyaad Maxalli ah oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka ay qabsadeen laba degmo oo katirsan gobolka Shabwah.
Telefeshin ay maalgeliso dowladda Sacuudiga ayaa faafiyay muuqaallada kooxaha muqaawamada oo qabsanaya degmooyinka Beyxaan iyo Casiinaal oo ahaa dhulkii ugu dambeeyay ee Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay ka maamulayeen gobolka Shabwah oo dhaca Koonfur Bari wadanka Yemen.
Bishii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta waxay dileen Cali Cabdalla Saalax oo isbaheysi cusub la sameystay Sacuudiga waxayna tallaabadaas dhabar jab ku noqotay Xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dubai.