Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Dowladda oo xirtay Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Leysayna ilaaladiisa.

Ciidamo katirsan nabad sugidda dowladda ee sida gaarka utababaran ayaa xalay weerar xooggan oo qorshaysan ku qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa siyaasiyiinta xilka madaxtinimada kula tartamay madaxweyne Farmaajo.

ilaalada siyaasiga iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa dhexmaray israsaaseyn sababtay khasaaro xooggan oo soo gaaray ilaalada Cabdiraxmaan.

4 askari ayaa ku nafwaayay halka Cabdiraxmaan uu dhaawac kasoo gaaray gacanta sida laga soo xigtay siyaasiyiin ka ak dhaw siyaasiga.

xalay ayaa sidoo kale waxaa la weeraray siyaasiyiin kale oo ka ak dhaw Cabdiraxmaan Cabdishakuur kuwaasi oo kamid ah mucaaradka madaxweyne Farmaajo.

Lama oga halka ciidamada dowladda ay ku hayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shalay ayay ahayd markii Xeer ilaaliyaha uu dalbaday in xasaanada lagala noqdo  laba ka mid ah Xildhibaanada Golaha baarlamanka oo uu ku eedeeyay qaran dumisnimo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*