Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo si kulul kaga jawaabay eedii Xeer-ilaaliyaha.

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo kamid ahaa xildhibaanadii shalay xeer ilaaliya uu dalbaday in xasaanada laga qaado si baaritaan qaran dumisnimo loogu sameeyo ayaa jawaab ka bixiyay eeda loo soo jeediyay.

Xildhibaanka oo haatan ku sugan wadanka imaaraadka carabta ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraalkaa.

Waxaan ku faraxsanahay inaan kamid ahay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo doonaya in si daahfurnaan iyo dimoqraadiyad ah ula xisaabtamaan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xukuumadda si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciyada Dalka

Dowladnimada Soomaaliya waxay ku dhisantahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo dugsanaya Shareecada Islaamka, labadooduna waxay xadgudub joogto ah kala kulmaan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyagoo u soo tafaxeytay ku xadgudubka, wiiqidda iyo baabi’inta mabaadi’da Asaasiga ah uu ku dhisanyahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya kuwaa oo ah ku dhaqanka Nidaamka Federaalka iyo Dimoqraadiyadda

Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Reysal Wasaaraha waxay si xadgudub ku ah Dastuurka Federaalka iyo Sharciyada Dalka u yaalla u soo adeegsadeen M.ne. Axmed Cali Daahir kaas oo aan laheyn sifo sharci ah isagoo Sharafdil u geystay Xildhibaano Golaha Shacabka oo aan kamid ahay Warbaahinta horteeda si oraah iyo qoraalba ah taasoo ah been abuur aan sal iyo raad toona lahayn waxaana la tiigsanayaa Sharciga hadduu Alle idmo.

Mahadsanidiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*