Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Degdeg: Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Xero Ciidan oo Ku Taalla Duleedka Marko.

War goordhow nagasoo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo deegaan kaabiga ku haya magaalada Marka ee xarunta gobolka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar xoog ku gal ah ku qaadeen saldhig melleteri oo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ka sameysteen deegaanka Ceel Siliini.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga iyo dhammaan saanadihii hubka ahaa ee yiillay.
Saldhigga saaka ay weerareen ciidamada Al Shabaab waxaa ku sugnaa maleeshiyaad boqolaal ah oo lagu tababaray saldhigga melleteriga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

la soco wixii soo kordha insha’Allaah

Xigasho:Somalimemo.net

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*