Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Ciidamada xarakada Alshabaab iyo kuwa Dowladda oo ku dagaalamay Afgoye.

wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in xalay dagaal xoogan uu ka dhacay gudaha degmada Afgoye ee shabeelaha Hoose.

Ciidamo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa weerar balaaran ku ekeeyay xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

dagaalka ayaa ku fiday qeybo kamid ah xaafadaha magaalada.

ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa dib kaga gurtay magaalada.

xaalada ayaa maanta dagan waxaana dagaalka xalay uu kusoo aadayaa xili shalay ciidamada ay magaalada ka wadeen howlgallo lagu qabqabtay qaar kamid ah shacabka.

marar badan ayay ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin ka dagaalameen magaalada Afgooye.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*