Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

dagaal gawaari looga qabsay ciidamo uu tababaray Maraykanka ayaa ka dhacay sh/hoose.

dagaal xooggan oo udhaxeeyay ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin iyo kuwa Bangaraafta ee uu tababaray Maraykanka ayaa ka qarxay gobalka shabeelaha hoose.

wararka naga soo gaaraya gobalka ayaa ku waramaya ciidamo katirsan xarakada  shabaabul mujaahidiin in wadada ay ugoleen kolonyo ku safrayay inta udhaxaysa Wanlaweyn iyo Afgooye.

hubka culus ee la is weedaarsanayo ayaa si weyn looga maqlayay qeybo badan oo kamid ah gobalka.

wararkii ugu danbeeyay ee kusoo dhacay amiirnuur ayaa xaqiijinaya in ciidamada shabaabul mujaahidiin ay qabsadeen laba gaari iyo saanad hub ah,waxaana la gubay gaari kale iyadoo gawaariduna ay ahaayeen saddex gaari oo kaliya .

ciidamada dhabaha loo galay ayaa kusii socday magaalada Afgooye ee shabeelaha Hoose.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*