Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Dharaar Cad Duqeeyay Xarunta Madaxtooyada.

Xarakada Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta madaafiic ku garaacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho xilli uu mashquul badan ka jiray.

Dad degaan ahaan ka ag dhow madaxtooyada ayaa sheegay iney maqlayeen jugta madaafiic ku dhow 10 oo ku hoobanayay xeendaabka madaxtooyada.

Xarakada Al-Shabaab waxay sheegatay mas’uuliyadda madaafiicdan oo ay tiradooda ku sheegtay 8 madfac lamana oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ay geysteen, walow ay madaxtooyada tageen dhowr gaadiid oo kamid ah kuwa gurmadka degdegga ah.

Dhacdadan ayaa waxay muujineysaa in dowladda federalka ay ku fashilantay ammaanka marba haddii Xarakada Al-Shabaab ay dharaar cad duqeeneyso xaruntii madaxtooyada ee ay deganaayeen madaxda dowladda iyo qaar kamid ah shisheeyaha.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabir Cabdi Maxamad oo saluugsan habka ay u shaqeeyaan ciidamada Xasilinta iyo kuwa nabad sugidda ayaa dhawaan codsaday in lagu wareejiyo ammaanka magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo duqeybtan loo geystay madaxtooyada ayaa imanaysa wax yar uun kadib markii degmada Waabari lagu dilay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*