Wararka Gudaha

Qarax Gaari Lagu Gubay Iyo Weerar Askari Lagu Dilay oo Muqdisho Ka Dhacay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa caawa fiidkii ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday ciidamada Amisom iyo askari ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda ee DF.

Weerarka ciidamada Amisom lagu qaaday oo ka dhacay agagaarka isbartiibo Stadio Muqdisho ayaa waxaa looga gubay gaari Taw ah kadib markii qarax culus lala beegsaday, waxaana ilo wareedyo ay xaqiijiyeen in gaariga uu laba u kala jabay.

Sidoo kale waxa isla caawa Muqdisho ka dhacay weerarkii labaad oo saacado gudahood lagu dilay qof ka tirsan DF. Weerarkan oo Xamar weyne ka dhacay ayaa waxaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada sirdoonka oo lagu magacaabi jiray Ayaanle kaasoo ay beegsadeen rag hubeysan.

Saaka aroortii ayay ahayd markii degmada Waabari lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir, iyadoo barqanimadiina ay Al-Shabaab madaafiic ku garaaceen xarunta madaxtooyada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*