Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda, Wararka Gudaha

Askar Ka Tirsan Ciidanka Koofur Galbeed oo Lagu Dilay Weerar Jid Gal Ah.

Sabti, November, 03, 2017: Khasaare dhimasho ayaa ciidamada maamulka Koofur galbeed kasoo gaaray weerar jid gal ah oo ay kala kulmeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarka oo ka dhacay inta u dhaxaysa Xudur iyo Ceel-barde oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa ilo wareedyo inoo xaqiijiyeen in lagu dilay ugu yaraan afar askari oo ka tirsan askarta maamulka Shariif Xassan iyadoo laga gubay hal gaari oo ah nooca ay Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha.

November 01, 2017, ayay ahayd markii wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buur-hakaba labo gaari looga gubay Koofur galbeed, waxaana dhacdooyinkan ay kusoo hagaageen iyadoo uu Shariif Xassan shirkii Muqdisho ka sheegay in iyagu ay ka taliyaan Hawada, Al-Shabaabna ay ka taliyaan dhulka.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*