Wararka Gudaha

Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Dowladda Iyo Siyaasiyiinta Mucaaradsan. (Warbixin+Dhageysi)

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa wali ka taagan khilaafkii ka dhaxeeyay dowladda federalka ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Dad isku dayay iney isku soo dhaweeyaan labada dhinac oo isugu jira odayaal iyo bulshada rayidka ayaa gacanta ka taagtay maanta oo jimco ahayd kadib markii ay labada dhinac kala istaageen bari iyo koofur.

Dowladda federalka ah ayaa dan biday iney xoog ku maquuniso mucaaradkeeda rayidka ah, halka mucaaradkuna u muuqdaan kuwa isla tun weyn oo dhankooda u goodinaya dowladda.

Haddaba waxaa jira qodobo toban ku dhow loo sababaynayo khilaafka taagan kuwaasoo aaney labada dhinac ogoleyn iney bannaanka soo dhigaan. Haddaba warbixinta hoose ee oo ay baahisay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan oo ay ka dhex muuqdaan siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaano ayaa xambaarsan xog badan oo ku saabsan khilaafka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*