Wararka Gudaha

C/raxmaan C/Shakuur oo Qortay Boqol Malleyshiyo Ah.

C/raxmaan C/shakuur oo kamid ah xubnaha ugu cadcad siyaasiyiihinta iyo axsaabta ku kacsan dowladda federalka ah ayaa qortay boqol malleyshiyo ah si ay uga waardiyeeyaan ciidamada dowladda.

Askartan ayaa waxaa u keenay odayaal dhaqameedyadii markii isaga la xiray u ol’oleynayay sii deysmadiisa, waxaana illaa iyo hadda aan la ogeyn halka laga keenay hubka lagu qalabeeyay ciidamadan.

Askartan ayaa waxa kala joogaan guriga uu deggan yahay C/raxmaan C/shakuur iyo guri kale oo aanan ka fogeyn sida ay inoo sheegeen dad xog ogaal ah.

Madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka eryay hogaamiye kooxeed C/Waal oo mucaarad ku ahaa isagoo sidoo kale xabsiga u taxaabay gudoomiyihii degmada Wadajir Axmad Daaci iyo Siyaasiga Cali Timo Jilic.

Farmaajo iyo Kheyrre oo u muuqda iney go’aansadeen in ay cudud ku maquuniyaan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee fashilkooda bannaanka soo dhigaya ayaan la ogeyn iney ka guuleysan doonaan iyo in kale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*