Wararka Dibadda, Wararka Gudaha

Beeraleyda Galleyda Ee Kenya oo Qarka U Saaran Iney Khasaaraan.

Beeraleyda galleyda ee dalka Kenya gaar ahaan kuwooda ay usoo go’day Galleyda illaa bishii Oktoobar ee sannadkan ayaa qarka u saaran iney khasaaraan sababo la xiriira xaaladaha qoyan ee sarreeya iyo saameynta cayayaanka maadaama bakhaarka Qaranka iyo Guddiga Wax soo Saarka (NCPB) ay wali xiran yihiin.

Qaar ka mid ah beeralleyda ayaa sidoo kale joojiyay waxsoosaarkii taasoo ay ugu wacan tahay roobab mahiigaan ah oo dhulka maasheeyay kana da’ay qaybo ka mid ah Waqooyiga Rift.

“Waxaan diyaar u nahay guddi ahaan inaan shaacinno qiimaha soosaarka dalagga xilligan la joogo laakiin ma sameyn karno dhaqaale la’aan. Waxaan dooneynaa lacagta ka hor dhamaadka usbuucan si aan ugu iibsano afar milyan oo kiishash ah oo ah 90 kiiloogaraam midkiiba wax soo saarayaasha tirada yar”, ”ayuu yiri Wekesa oo ah Gudoomiyaha guddiga keydka cuntada ee istiraatiijiyadeed ee gobolka.

Dowladda ayaa mararka qaar ganacsatada ka iibsata Galleyda, waxaana haatan wasaaradda maaliyadda lagu eedeynayaa ineysan sameyn qoondeyn miisaaniyadeed oo loogu talagalay iibsashada galleyda SFR.

Hadda waxaa loo baahan yahay sida gudiga beeraha laga soo xigtay in dukaanada la geeyo Galleyda duugga ah amaba wadamada dariska loo safriyo, taa badalkeedana la xareeyo galleyda cusub haddiiba ay wax badan kasoo ceynsamaan.


Wekesa wuxuu intaasi ku daray in NCPB ay qaadi doonto mas’uuliyadda markii ay beeralaydu mudaaharaad ka dhigaan daahitaanka iibsiga wax soo saarka marka sannadku dhammaado, waayo wuxuu sheegay inuu jiro niyad jab badan oo heysta dadka wax tacbada.

Wuxuu sheegay in culeyska heysta beeraleyda uu kamid yahay in qaar kamid ah galleydu sumeysan tahay loona baahan yahay in hey’adaha ku shaqada leh ay ka caawiyaan si looga saaro wax yeellada.

Beeraleyda waxaa loogu baaqay iney bixiyaan khidmadda lacageed ee loogu adeegayo si loogu qallajiyo badarka ka qoyan.

Soo-saareyaasha doonaya inay Masagada ku kaydiyaan xarumaha NCPB ee iibka mustaqbalka waxaa la faray iney bixiyaan khidmad lacageend.

Waxaan ku jirnaa xaalad quus ah roobabka mahiigaanka ahna waxay saameyn ku yeesheen xataa gaadiidkii beeraha aadi jiray”ayuu yidhi Kiptum oo wali aan beertiisa kasoo goosan 200 oo hektar oo galley ah.

Beeraleyda badankood waxay ka cabanayaan in gudigu uu ku kordhiyay lacagihii khidmada, halkii ay ahayd in laga khafiifiyo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*