Wararka Gudaha

Villa Soomaaliya oo Weerartay Guriga Cabdi Qeybdiid.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday maanta guriga Cabdi Qeybdiid oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka.

Askarta weerartay Qeybdiid oo laga soo amray madaxtooyada ayaa ah kuwa sida gaar ah u waardiyeeya xeyndaabka Villa Soomaaliya kuwaasoo sida aanu xogta ku helnay heystay ruqsad ah haddii ay dhaga adeyg kala kulmaan ciidamada Cabdi Qeybdiid iney dilaan balse lama sheegin iney wax iska caabin ah la kulmeen.

Guriga Qeybdiid ayaa waxay ciidamadan kasoo qaateen qalab ay kamid yihiin Computer-rro iyo dokomintiyo kuwaasoo ay saakiishii ciidanka hogaaminayay sheegeen iney baaritaan kusoo sameynayaan.

Wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada weeraray guriga C/Qeybdiid ay ka diiwaan gashan yihiin safaaradda ay Imaaradda Carabtu ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Dowladda dda federalka ah ayaa u muuqata mid xoogga saareysa sidii ay u wiiqi lahayd siyaasiyiin mucaarad ku ah oo si hoose u wada xiriira, waxaana aan la ogeyn in dowladdu ku guuleysan doonto qorshana maquuninta ah iyo in mucaaradku iska caabin sameyn doonaan.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*