Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Weeraray Bar Koontarool oo Ay DF Ku Leedahay Afgooye.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa duhurnimadii maanta weeraray bar koontarool oo ay DF ku ledahay degmada Afgooye, waxaana haatan la helayaa faahfaahin ku saabsan natiijada weerarka.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad lagu kalsoon yahay, askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray koontaroolka DF ee Buulo-foolyo halkaasoo lacago xad dhaaf ah looga qaadi jiray gaadiidka dad weynaha, waxaana durbadiiba goobta isaga cararay askartii dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare, laakin xog rasmi ah kama aanan helin, balse waxaa ciidamada Al-Shabaab u suura gashay iney hawl gallo ka sameeyaan koontaroolka iyo barihii ay deganaayeen askarta DF.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*