Wararka Dibadda

Waa Maxay Halista Ugu Weyn Ee Ay Wajahayaan Saliida Iyo Gaaska Mareykanka Sanadka Soo Socda?

Sanadkan sii dhammaanaya ee 2019, waaxda saliida waxay aragtay isbadallo badan oo la xiriira jawiga siyaasadeed iyo cimilada adduunka, iyadoo baahida loo qabo koritaanka ay gaartay heerkeeda ugu hooseeya.

Warbixin ay daabacday OilPrice, Tsvetana Paraskova waxay ka hadashay halista ugu caansan ee ku wajahan warshadaha saliida ee dunida 2020.

Caqabadaha ugu caansan ee sanadka soo socda ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin in laga gaabiyay kororka saliida, isbeddelada suurtagalka ah ee siyaasada Mareykanka ee gudaha iyo dibedda ka dib doorashada madaxweynaha ayaa iyana qeyb ka noqon karta dhibaatada.

Waxaa sii dheer kalsooni la’aanta suuqyada saamiyada ee kaydka la xiriira tamarta, iyo heerarka maalgelinta mashaariicda gaaska dabiiciga oo hooseeya.

Sanadkan, kobaca baahida saliida ayaa ah midii ugu darnayd tan iyo sanadkii 2011, maadaama hoos udhaca kobaca dhaqaalaha aduunka iyo dagaalka ganacsi ee udhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka uu saameyn ku yeeshay suuqyada ugu soosaarka badan saliida ee Aasiya.

Dhammaanba falanqeeyayaasha ayaa filaya in baahida koritaanka ay kor u kici doonto sannadka dambe marka loo eego kororka aad u hooseeya ee sannadkan, sida Wood Mac u rajeyneyso baahida saliida inay koreyso wax kabadan laba jeer, i.e. qiyaastii 1.35 milyan oo fuusto maalintii.

Doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Mareykanka ayaa saameyn adag ku yeelan kara culeyska laga muujinayo suuqyada Saliida. Falanqeeyeyaasha qaarkood ayaa waxay sheegayaan haddii murashax Dimuqraadi ah uu ka adkaado Madaxweyne Donald Trump inta lagu gudajiro doorashooyinka 2020, siyaasadaha Mareykanka waxaa laga yaabaa inay iney is badal galaan dhanka dhaqaalaha.

Tusaale ahaan, cunaqabateynta hadda lagu soo rogay Iran iyo Venezuela waxay ka saartaa ku dhawaad laba milyan oo foosto oo saliid ah suuqa.

Si kastaba ha noqotee, Trump, way ku adag tahay kaligiis inuu awood u yeesho inuu meel mariyo sharci uu ku joojiyo jabaqda saliida iyo gaaska ee Mareykanka.

Dhanka kale waxaa Mareykanka iyo Yurubta culus ku ah cimilada oo kusii xumaaneysa, taasoo ay ugu wacan yihiin warshadaha gaaska iyo saliida iyo wasakhda ay hawada kusii daayaan.

“Heshiiska cusub ee cagaaran” ee Midowga Yurub wuxuu ka doodayaa in laga ilaaliyo alaabada EU laga soo dhoofiyo ee keenaya qiiqa kaarboonka sare iyo canshuuraha oo wax laga badalo.

Sida ku cad heshiiska, midowga yurub wuxuu balan qaaday in uu yareeyo qiiqa hawada ugu yaraan 50% marka la gaaro 2030.

Dalalka Mareykanka iyo Yurubta ayaa waxaa sannad walba lasoo gudboonaada culeysyo badan oo aaney kusii tala galin haba u badnaadeen musiibooyin si aad ah u wax yeelleeya dhaqaalahooda iyo istaraatiijiyaddooda.

Wadamada Muslimiinta oo ay ahayd iney dhankooda isha la raacaan umuurahan ayay siyaasiyiin badan ku eedeynayaan ineysan sidii loogu tala galay uga faa’iideysan azmooyinka dhanka dhaqaalaha ee wadamada reer galbeedka waxaana ugu wacan fara galinta qudhooda lagu hayo iyo sida ay badankoodu uga raaliga yihiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*