Wararka Dibadda

Daraasad: Nolosha Kiristanka Kenya oo %60 Ka Liidata Sannadkii Hore. Sabab?

Baadhitaan ay sameeyeen Trends for Insight Africa ayaa lagu ogaaday in 60% dadka reer Kenya ay noqdeen kuwa liita bishan Diseembar ee sannadkan marka la barbar dhigo xaaladooda sannadkii lasoo dhaafay bishan oo kale.
Daraasadda oo ay sameysay hay’adda cilmi baarista ee Afrika ayaa gabagabadeeda ku tilmaamtay mid sawir xun ka bixisay kirismaska sannadka 2019.

60% dadka reer Kenya ee kaqaybqaatay daraasada ayaa shaaca ka qaaday in dhibaata ay ku nool yihiin haatan ay tahay tii ugu xumeyd sanadkan marka la barbar dhigo isla xilligii sanadkii hore.

11% ka mid ah ayaa sheegay inay aad uga walwalsan yihiin duruufaha dhaqaale ee adag, isla markaana aysan awoodi doonin inay qarashgareeyaan inta lagu guda jiro xafladdooda. Halka 42% ka mid ahi ay sheegeen in ay ku qaadan doonaan wax ka yar intii ay sanadkii hore qaateen.

Daraasadda ayaa tilmaamtay in qaybta bari ee Kenya ay sida ugu badan u saameeyeen duruufaha dhaqaale, oo loo arko inay ka sii darayaan sannadkan marka loo eego sannadkii hore.

Sida lagu xusay daraasadda, dadka reer Kenya waxay celcelis ahaan 4,348 shilinka Kenya ku kharash gareeyaan xilliyada ciidaha, safarada, cuntada iyo qarashka qoyska.

Xiisadda dhaqaalena waxay u muuqataa bishii Diseembar ee sannadkan in ka badan marka loo eego isla xilligii sanadkii hore, sida laga soo xigtay kaqeybgaleyaasha daraasadda.

35% kaqeybgaleyaasha daraasada ayaa eedeeysa qalalaasaha dhaqaale ee musuqmaasuqa Kenya, halka 27% ay eedeeyaan shaqo la’aanta sareyso.

24% ayaa aaminsan in sababta ay ugu wacan tahay qiimaha sare ee nolosha ee dalka, halka 6% ay qabaan in dhibaatada inta badan ay sabab u tahay saboolnimo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*