Wararka Dibadda

Itoobiya oo Foolaneysa Khilaaf Hor Leh oo Ku Saabsan Doorashada Soo Socota.

Telefishanka rasmiga ah ee Itoobiya ayaa Arbacadii shalay ahayd shaaciyey in Golaha Qaranka ee Doorshada Itoobiya ay soo saareen shahaado rasmi ah oo aqoonsi u ah xisbiga Ra’isal Wasaare Abiy, oo ah tallaabo jidka u xaareysa doorashooyinka la qorsheeyay 2020.

Golaha doorashada Itoobiya oo isku tilmaamay hey’ad madaxbannaan ayaa sheegay in “saddex xubnood oo ka tirsan Jabhadda Kacaanka Dimuqraadiga ah ee Dadka Itoobiya (isbahaysiga xukunka haya) iyo shan xisbi oo kale ay u gudbiyeen codsi golaha si ay uga diiwaangeliyaan inay yihiin hal xisbi oo ku hoos jira magaca” barwaaqo “4-tii Diseembar, sidaas darteedna loo oggolaaday Shahaadada golaha ee xisbiga.

Dhinaca kale, Jabhadda Xoreynta Tigreega – oo ka mid ah xisbiyada waaweyn ee isbahaysiga – ayaa diidday fikirka ah in lagu midoobo barwaaqo, waxayna go’aansatay ineysan ku biirin xisbiga cusub, sidoo kale Tigreegu wuxuu ku hanjabay inuu ka qaadi doono talaabooyin sharci ah.

Indha indheeyayaasha ayaa filaya in talaabadaasi ay dhaliso khilaaf siyaasadeed oo baahsan kadib hanjabaadii Jabhadda Xoreynta Xoreynta, gaar ahaan maadaama talaabadan ay ku soo beegmayso iyadoo loo diyaar garoobayo kaqeybgalka howlaha siyaasadeed iyo socodsiinta doorashooyinka loo qorsheeyay May 2020.

Xisbiga Barwaaqo sooranka isku magacaabay ee Abey ayaa ku dhawaaqay bisha Diseembar in uu ku tartami doono doorashooyinka soo socda. Waxaa ku jira 8 xisbi, oo ay ku jiraan 3 xisbi oo waaweyn oo ka kooban isbahaysiga xukunka ka haya Itoobiya, kuwaas oo kala ah Democratic Oromo, Democratic Al-Amxaari, iyo dhaqdhaqaaqa dimoqoraadiga ah ee dadka ku nool koonfurta Itoobiya, qaybta ugu weyn ee isbahaysiga xukunka, oo ay weheliyaan xisbiyada isbahaysiga la ah, kuwaasoo ah qeybta Afaraad oo u badan dadka aan ictibaarka lahayn, sida: Soomaalida, Gambellaha, Beni Shankoul Gums iyo Harar.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*