Wararka Gudaha

Degdeg: Qarax Khasaare Geystay oo Amisom Lagula Beegsaday Magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa magaalada Muqdisho lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo wateen ciidamada shisheeye ee Amisom xilli ay marayeen inta u dhaxaysa Wasaaradda gaashaadhigga iyo Kuliyaddii Jaalle Siyaad.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax uu haleelay mid kamid ah kolonyada kaasoo gabi ahaanba burburay, waxaana xigay rasaas ay jiho walba u ridayeen askarta Amisom.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaanu kasoo xiganay in ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan ciidamada Amisom ay ku dhinteen qaraxa kuwa kalana ay uga dhaawacmeen.

 

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*