Kaydka Sawirada, Wararka Gudaha

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerarka Xerada Mareykanka Ee Lamu (Sawirro)

Saacaddii lixaad ayuu galay weerarkii ay saaka aroortii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Sahabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Lamu.

Wararka halkaa laga helayo ayaa waxay sheegayaan in khasaare badan uu gaaray Mareykanka kaasoo isugu jira naf iyo maal.

Hey’adda lagu magacaabo Strategic Intelligence Service ayaa waxay goor dhow barteeda Twitter ku sheegtay in askar Mareykan ah lagu dilay weerarka laguna gubay diyaarado ay kamid yihiin 2 Helicopter.

Sawirro daaro dhaadheer laga qaaday ayaa muujinaya qiiq badan oo xerada gudaheeda ka baxaya. Wixii soo kordha la soco Amiirnuur.com.

Sidoo kale wararka ayaa waxay sheegayaan in diyaarado nooca dagaalka ee uu Mareykanku leeyahay ay billaabeen iney duqeeyaan saldhiiga.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay dagaalyahanadoodu caafimaad qabaan welina socoto xabadda, isagoo tilmaamay in diyaaradaha soo gurmaday aysan wax saameyn ah ku yeelan howlgalka ay halkaas ka wadaan ciidankooda.

“Dagaalka wuxuu galay saacadiisii lixaad. Mujaahidiinta waxay haystaan qayb kamid ah xerada, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kenyaatiga ahna dhinac kale ayay iskugu tageen. Diyaarado ayaa ka qayb qaadanaya dagaalka kuwas oo duqayn ka wada qaybo kamid ah xerada. Sidaas waxaa SomaliMeMo u sheegay afhayeenka ciidamada Sh. Cabdi Casiis Abu Muscab.

Haddaba la socod wixii soo kordha.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*