Wararka Gudaha

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalo Iyo Weeraro Ka Dhacay Bakool Iyo Sh/dhexe.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraro ka fuliyay gobolada Bakool iyo Shabeelaha dhexe iyadoo weeraray ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federalka ah.

Weerarka Waajid wuxuu ahaa duqeyn lala bar tilmaameedsanayay saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya waxaana ay dadka degaanka sheegeen in madaafiic aad u badan ay ku hoobteen saldhigga inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac.

Sarkaal ka tirsan Koofur galbeed oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in madaafiicdu u muuqdeen kuwa bartilmaameed ah balse ay wadaan baaritaan la xiriira in la ogaado sida ay ku suura gashay duqeyntan.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay habeenkii xalay weerareen fariisin ay askarta dowladda ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Inta la hubo hal askari oo dowladda ka tirsan ayay Al-Shabaab ku dileen weerarka waxaana ay saldhigga kasoo qaateen laba qori iyo rasaas kadib markii ay ciidamadii dowladda kala carareen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*