Maqaallo, Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Mareykanka oo Amar Degdeg Ah Siiyay Muwaadiniintiisa Ku Sugan Muqdisho.

Sabti, November, 03, 2017: Maraykanka ayaa soo saaray digniin cusub oo la xiriirta ammaanka goobaha ay magaalada Muqdisho ka joogaan muwaadiniintiisa. War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa waxaa lagu amray muwaadiniinta Maraykanka iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Xamar.

Maraykanku wuxuu sheegayaa inuu helay macluumaadyo xasaasi ah oo sheegaya iney dhici doonaan weeraro si gaar ah loogu bartilmaameydsado muwaadiniintiisa hawlaha kala duwan u hooga Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa xilal ka haya DF oo uu ugu sarreeyo madaxweynaha.

Digniintan ayaa kusoo aaday weerarkii cuslaa ee ay Xarakada Al-Shabaab ku qaaday hotel Naasa-hablood 2 taariikhdu markey ahayd 28-kii bishii lasoo dhaafay, weerarkaas oo lagu dilay 70 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin DF ka tirsan, saraakiil, Siyaasiyiin iyo ciidan intaba.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*