Uncategorized, Wararka Dibadda

Sawirro: Duuliye Sare oo Kamid Ah Mareykankii Lagu Laayay Lamu.

Dadka Ameerikaanka ah ayaa si tartiib tartiib ah usoo bandhigaya khasaarihii ku gaaray weerarkii Lamu.

Kani waa sawirkii labaad muddo 48 saac gudahood ah, waana nin duuliye ahaa oo in badan ku lug lahaa duqeymaha dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Muuqaalka ninkan Mareykanka ah ayaa qabsaday baraha bulshada iyadoo si aad ah loo falanqeeynayo geeridiisa iyo waxa ay ka dhigan tahay.

Guddoomiyaha gobolka Arizona ayaa xaqiijiyay in askartii weerarka lagu dilay uu kamid ahaa Dustin Harrison oo ahaa duuliye katirsanaa ciidamada Cirka Mareykanka islamarkaana muddo sanada ah kusoo jiray howsha ciidanimo.

Dustin Harrison oo 47 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay wasaaradda difaaca Mareykanka ee lagu magacaabo Pentagon, xaaska uu ka dhintay sarkaalkan ayaa qoraal kooban oo ay kusoo qortay barteeda Facebook waxay ku sheegtay in ay nolosha ka quusatay maadaama ladilay saygeedi.


Doug Ducey oo ah xaakimka gobolka Arizona oo ka hadlayay dhimashada Dustin Harrison ayaa sheegay in ay waayeen sarkaal dhankooda qaali ku ahaa “Arizona waxay ka tacsiyaynaysaa weynta Dustin Harrison waxaa ladilay isagoo ku guda jiray taageeridda umaddeena Kenya,Dustin Harrison waligiis wuxuu u adeegayay wadankeena” ayuu yiri Doug Ducey.
Saraakiil Howlgab American ah iyo askar ay islasoo shaqeeyeen duuliyahaan ayaa walaac ka muujiyay dhimashada sarkaalkan iyo askartii kale ee lagu dilay weerarkii weynaa ee Al Shabaab ku qaadday saldhigga Simba Camp ee gobolka Lamu.
Warbaahinta Mareykanka waxay qirtay in weerarka lagu burburiyay diyaarado casri ah iyo gaadiid gaashaaman, Xarakada Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka ku dishay 17 askari halka taliska ciidanka Mareykanka uu qirtay dhimashada sedax askari oo qura

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*