Uncategorized, Wararka Dibadda

Iiraan oo Sheegtay Iney 80 Mareykan Ah Ku Dishay Weeraradii Ay Ugu Geysatay Ciraaq.

Wararka ka imaanaya dalalka Ciraaq iyo Iiraan ayaa waxay sheegayaan in la duqeeyay labo saldhig oo uu Mareykanku ku lahaa wadanka Ciraaq iyadoo lagu garaacay in ka badan 12 Gantaalada nooca loo yaqaano Balaastiigga.

Telefishanka Iiraan ayaa baahiyay in gantaaladan loo fuliyay aargudasho dilkii taliyihii ciidamada Qudus Qaasim Suleymaani oo lagu dilay weerar Mareykanku ka geystay meel u dhow garoonka diyaaradaha Baghdad jimcihii la soo dhaafay.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa yiri, “Ciidamada cirka waxay sameeyeen howl guul leh iyagoo wata magaca Soleimani, ayagoo dhowr iyo toban gantaal dusha sare kaga garaacay saldhigga cirka ee loo yaqaan Ain al-Assad.”0” iyo “Zulfiqar” gantaalaha ballistic loo adeegsaday masaafo dhan 800 km oo loogu talagalay in lagu garaaco saldhigyada Mareykanka.

Xogtu waxay ku waramaysaa in 80 Mareykan ah ay ku dhinteen duqeymahan, halka khasaaruhu intaa ka badnaan karo.

Khubarada bariga dhexe waxay sheegayaan in la filan karo dagaal degdeg ah. Iiraan waxay sheegtay iney duqeyn doonto Dubai iyo dowlado kale oo xulufo la ah Mareykanka haddii tallaab qaado.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*