Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Weeraray Askarta Amisom Ee Ku Sugan Qoryooley.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay duleedka degmada Qoryooley ku leeyihiin ciidamada shisheeye ee Amisom.

Wararka naga soo gaaraya Qoryooley ayaa ku waramaya in weerarku uu dhacay saaka salaadii subax kadib iyadoo magaalada iyo daafaheeda si aad ah looga maqlayay hubka la isku adeegsanayay.

Illaa iyo hadda faahfaahin dheeri ah kama aanan helin haddii ay jiraan khasaarooyin ka dhashay weerarka. Ciidamada Amisom ayaa waxay wajahayaan dagaal dhiig bax ah oo ay kala kulmayaan Xarakada Al-Shabaab.

Maalintii dorraad ayay ahayd markii gaari gaashaaman looga gubay magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga wasaaradda Gaashaandhigga kaasoo burburkiisa ay daawanayeen dadka intooda badan, waxaana uga dhintay shan askari.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*