Wararka Dibadda

Mareykanka Iyo Iiraan- Isku Soo Dhawaansho Iyo Sii Kala Fogaansho!

Washington waxay xaqiijisay inaysan dooneynin inay adeegsato awood militari oo ka dhan ah Iiraan, taa badalkeedana waxay xaqiijisay iney diyaar u tahay inay gasho wada hadal shuruud la’aan ah. Dhanka kale dowladda Shiicada Iiiraan ayaa sheegtay ineysan iyaduna dooneyn dagaal ay la gasho Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanak Donald Trump oo isagu aad u goodinayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa carrabka ku adkeeyay in waddankiisu uusan dooneyn inuu adeegsado awood militari si uu uga jawaabo weerarkii gantaalaha Iiraan ee lagu bartilmaameedsaday laba saldhig oo ay Ciraaq ku lahaayeen ciidankiisa, laakin wuxuu ku nuuxnuuxsaday islamarkaana uu carrabka ku adkeeyay inuu cunaqabateyn dheeri ah saari doono Iraan.

Dhinaca kale, ergayga Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa ku xaqiijisay wareysi uu bixiyay in dalkiisu uusan raadineynin xasillooni darro taaasoo uu sheegay ineysan dan u ahayn iyaga iyo Mareykankaba. Wuxuu sheegay inaysan jirin wax cudurdaar ah oo loo hayo sii joogitaanka Mareykanka ee gobolka.
Tani waxay timid ka dib markii Wasaaradda Arimaha Dibadda dowladda maqaar saarka ah ee Ciraaq uu sheegay in duqeyntii uu Mareykanku geystay ee Suleymaani lagu dilay iyo gantaalada ay ku jawaabtay Iiraan ay xad gudub ku yihiin madaxbannaanida wadankeeda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*