Wararka Gudaha

Koloneyl Maxamad Xassan oo Lagu Dilay Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Milatariga ee dowladda federalka ah ayaa habeenkii xalay lagu dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Maxamad Xassan ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay sida la sheegay rag hubeysan kuwaasoo markii ay hawl galkooda dhammeysteen si nabad galyo ah halkaasi uga dhaqaaqay.

Meydkiisa ayaa waxaa la aasay daqiiqado kadib iyadoo taliska Boliska ee degmada Waabari uu sheegay inuu wado baaritaan uu ku doonayo inuu ku ogaado cidda ka dambeysay dilka Koloneylka.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraray fariisin ay askarta dowladda ku leeyihiin isgoyska Balaak-sii, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare kala duwan in kastoo aanan faahfaahin dhameystiran wali ka helin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*