Wararka Dibadda

Video: Wasiirka Gaashandhigga Mareykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Weerarkii Saldhigga Manda Bay Kenya.

Waxaa sii kordhaya walaaca ay mas’uuliyiinta Americanka ah ka muujinayaan weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay dhowaan ku qaadeen gudaha wadanka Kenya.

Mark Thomas Esper oo ah wasiirka difaaca Mareykanka oo ka hadlay weerarkii Saldhigga Simba Camp ee Manda Bay Lamu ayaa sheegay in uu ka murugooday askartii lagu dilay weerarka iyo saameynta uu yeeshay.

Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka oo hadlayay ayaa carabaabay in uu murugo ka qaaday weerarkii ka dhacay gacanta Manda Bay halkaas oo askar iyo saraakiil American ah lagu dilay, Xarakada Al Shabaab oo mas’uul ka aheyd weerarkaas ayuu cambaareeyay kuna sheegay Argagaxiso.

Xigasho: Somalimemo.net

Hoos Ka Daawo Wasiirka Difaaca Mareykanka oo ka hadlaya weerarkii Manda Bay

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*