Wararka Dibadda

Donald Trump: “Sacuudi Carabiya Waxay Na Siiyeen $ 1 billion oo Loogu Talagalay Ciidankeena”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku wargaliyay Sucuudi Carabiya in codsi kasta oo ku saabsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka ay tahay inay iska bixiyaan kharashka ku baxaya.

“Waxaan usheegay Sucuudi inay yihiin waddan qani ah, waa inay bixiyaan ciidamada dheeraadka ah, waxayna horeyba noogu soo xareeyeen bilyan doolar,” ayuu Trump ku sheegay wareysi uu siiyay “Fox News”.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xukuumaddiisa aysan qaadi doonin mas’uuliyadda nafaqada iyo kharashaadka askarta la dirayo, balse ay Sucuudigu dhabarka u ridanayaan isagoo intaas ku daray iney ay isagana taraam ahaan ka aqbleen dalabkiisa ku saabsan in wax walba ay ku bixiyaan.

Mareykanku wuxuu ku dhawaaqay talaabadan bishii Oktoobar, ka dib markii weerar 14-kii Sebtember lagu qaaday laba xarun shidaal oo Sucuudigu leeyaha oo Xuutiyiinta ay sheegteen.

Mareykanku waxay sheegeen in howlgalka la qorsheeyay uu ka koobnaan doonaan labo koox oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka, dib u dhisidda ciidanka hawada iyo ciidamada difaaca hawada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*