Wararka Gudaha

Daawo Vedio: Khamriga oo Sidii Shaahii Oo Kale Looga Cabo Hargeysa.

Magaalada Hargeysa waxaa aad ugu soo badanaya Khamriga kaasoo ay si aad ah u isticmaalaan dhallinyarada magaalada ee ku saaqiday nidaamka halkaasi ka jira. Khamrigan oo laga keeno Itoobiya ayaa gaaray heer si muuqata loo iibsado loona isticmaalo.

Afhayeen u hadlay Boliska oo lagu magacaabo FaysaL Xiis Cilmi ayaa waxa uu ka warbixiyay natiijada hawl gal khamriga ka dhan ah oo ay sameeyeen isagoo xusay in Khamriga uu gaaray heer tarmuusyo lagu shubto sidii shaahii oo kale kadibna lagu qayilo ama qaadka la isaga dajiyo.

Khamriga waxaa magaalada Hargeysa soo galiya Itoobiya lamana arko maamulka Somaliland oo qabtay dadka Itoobiyaanka ah ee ka ganacsada. Mararka qaar waxaa hargeysa lasoo galiyaa Khamri macmal ah oo sidii shidaalkii oo kale Booyado lagu keeno.

Allaah subxaanahu watacaalaa waa uu xaaraantinimeeyay khamriga.

قال الله تعالى: ﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالْأَنْصَابُ [1] وَالْأَزْلَامُ رِجْسٌ مِنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ * إِنَّمَا يُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَنْ يُوقِعَ بَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ فِي الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ وَيَصُدَّكُمْ عَنْ ذِكْرِ اللَّهِ وَعَنِ الصَّلَاةِ فَهَلْ أَنْتُمْ مُنْتَهُونَ ﴾ [المائدة: 90، 91].

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*