Kaydka Sawirada, Wararka Gudaha

Sawirro: Askar Kasoo Goosatay DF oo Lagu Soo Bandhigay Jubooyinka.

Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa saxaafadda usoo bandhigtay askar kasoo goosatay DFS iyo Jubbaland, gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Tirada askartan waa 3, laakin arrinta xusidda mudan ayaa waxay tahay habka lagu askareeyay iyo sababta ku dhalisay iney isaga baxaan oo ay ka dhuuntaan.

Waxay sheegeen in markoodii hore laga soo kaxeeyay magaalada Muqdisho laguna soo xera galiyay in dalka Qadar loo wadayo, hase ahaatee diyaaraddii ay raaceen ay ka dajisay Baardheere islamarkaana lagu wareejiyay ciidamada Xabashida.

“Subax walba waxaan la kulmi jirnay ciqaab, waxaa nalagu yiri hawada wey idinka xiran tahay, haddaad xerada dibadda uga baxdaanna Al-Shabaab ayaa jooga, lakain markaan u adkeysan weynay ayaan lasoo xiriirnay wadaadaha gacan ayayna naga siiyeen sidii aan dhibka uga bixi lahayn” ayuu yiri mid kamid ah dhallinyaradan.

Askartan oo lagu soo bandhigay Saakow ayaa waxaa ka horreeyay 22 kale oo sidooda oo kale loo khalday kuwaasoo isku dhiibay wilaayada Gedo.

Maamulada islaamiga ah ayaa ciidamadan siiyay siminaar islaami ah iyadoo laga caawiyay waxyaabaha daruuriga ah ee ay u baahan yihiin markaas.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*