Wararka Dibadda

Mareykanku Illaa Intee Buu Sii Wadi Doonaa Taarikhda “is weyneysiinta” Iyo Dagaalka Dhaqaalaha?.

Mareykanka waxaa waligii caado u ahayd inuu wax boobo islamarkaana uu cuna qabatayn dhaqaale kusoo rogo cid walba oo uu u arko inuu baadi karo, laga soo bilaabo xilligii dowladdaasi la aasaasay goortaasoo uu Madaxweyne Thomas Jefferson uu mamnuucay in ganacsi lala sameeyo Britain iyo France, taasoo keentay in badmaaxiinta Mareykanka ay shaqa la’aan noqdaan kuna guul darreystaan ka hortagga khilaaf militari oo iyaga dhex mara.

Warbixin ay daabacday majaladda “Conservative American” ee Mareykanka, qoraaga, Doug Bando, wuxuu ku sheegay in dagaalka dhaqaale uusan waxtar laheyn waqtigooda iyo cadaadiska xad dhaafka ah ee saaran dalal Muslimiin u badan taasoo haatan noqotay mid khatar badan, iyo tan Kuuriyada Woqooyi.

Farqiga weyn ayaa u dhaxeeya cunaqabateyntuu hore ee ay Wasaaradda Dibadda Mareykanku isticmaaleysay iyo tan xilligan kala guurka ah. Cunaqabateynta ganacsiga – sida tii ugu horreysay ee lagu dabaqo Cuba 1960 – kaliya waxay ka hortagtay Mareykanka inay la macaamilaan waddanka bartilmaameedka ah. Maantase, Washington waxay isku dayeysaa oo ay wadaa inay adduunka oo dhan la gasho dagaal dhaqaale.

Qoraaga ayaa xusaya in wareegtadan lagu faafiyay Xeerka Helms-Burton ee 1996, kaas oo cunaqabateyntii Cuba loogu kordhiyay shirkadaha shisheeye, taasoo ah tallaabo uu muran badan ka taagnaa goortaasi.

Suudaan waxay ahayd bartilmaameedsiga hore ee cunaqabateynta heerka labaad, taas oo ka horjoogsatay qof kasta oo adeegsada nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka inuu wax ka qabto Khartoum.

Reer Yurub iyo kuwa kaleba waxay ka cawdeen kibirkii Washington, laakiin diyaar uma ahan inay wajahaan awooda ugu weyn faa’iidooyinka dhaqaalaha dunida oo ah suuqyada yar yar.

Dalal badan ayuu Mareykanku dhaqaalahooda si gar darro ah ugu dumiyay cunaqabatayn uu saaray.

Sida ay warbixintu sheegeyso, Runtii, shan dal ayaa ciqaab ku muteystay markii George W Bush uu xafiiska qabtay 2001.

Waqtigan xaadirka ah, Xafiiska la socodka hantida shisheeye wuxuu taxayaa cunaqabateyn ka dhan ah Balkans, Belarus, Burundi, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Cuba, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Iran, Iraq, Lebanon, Libya, Mali, Nicaragua, North Korea, Somalia, Sudan, South Sudan, Syria, Ukraine, Russia, Venezuela, Yemen, iyo Zimbabwe.

Soomaaliya cunaqabateynteeda ayaa kamid ah ugu ugu daran, ma jiro wadan kala mid ah dhankaas marka laga reebo Falastiin oo ay ka siman yihiin. Soomaaliya xuduudaheeda waxaa gacanta loo galiyay Itoobiya iyo Kenya, halba badahana ay maamulaa Reer Galbeedka iyo Yahuuda.

Waxaa intaa dheer, waxaa jira barnaamijyo gaar ah oo lagu marmarsiyoonayo la dagaallanka (waxa ay ugu yeereen) cadawga Mareykanka, la dagaallanka daroogada, la dagaallanka argagixisada, dagaalka elektiroonigga ah, iyo faragelinta doorashooyinka shisheeye, iyo kuwo kale.

Dagaallada dhaqaale ayaa ka sii daraya, Iran waxay ku hanjabaysaa inay maraakiibta kusoo daad-gureeyso gacanka Persian, waxay xiraysaa dhoofinta saliida Sacuudiga. iyo xulafadeeda.

Dhanka kale, Ruushku wuxuu ka hor yimid siyaasada Washington, wuxuuna ballaariyey ganacsigiisa, maadaama siyaasadaha maamulka Donald Trump ay caqabad ku noqdeen koritaanka isla markaana ay wiiqeen ganacsatada.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in saameynta ka dhalatay filicillada Mareykanka ay u muuqato mid dumin doonta kuwa kibirka is baday, waayo arrintan waxay keeneysaa iska caabin dhaqaale oo adag, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xukuumadda Washinton qudheedu wey qabtaa walwal weyn oo dhanka dhaqaalaha ah, tusaale ahaan Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Liu, wuxuu uu yiri sanadkii 2016, “Markii aan sii xoojineyno go’aan ka gaarista isticmaalka doollarka iyo nidaamkeena maaliyadeed ee siyaasada arrimaha dibedda, waxaa sii kordheysa khatarta ah in la aado lacagaha kale iyo nidaamyada kale ee maaliyadeed muddada dhexdhexaadka ah.”

Midawga Yurub dhankooda waxay sameeyeen isbadal lagu magac daray habka farsamaynta taageerada ganacsiga, si loogu ogolaado ganacsiga lala galo Iiraan iyada oo aan la isku halleynayn hay’ad maaliyadeed oo Mareykan ah.

Ruushku wuxuu diiradda saaray yareynta lacagaha caalamiga ah siiba Doolarka, wuxuuna Shiinaha kala shaqeeyey sidii loo xallin lahaa ganacsiga laba geesoodka ah iyadoo la adeegsanayo lacagaha labada dal.

Intaa waxaa dheer, bangiyada dhexe ee ajnabiga ah waxay kordhiyeen iibsiga dahabka. Shirkii Islaamiga ahaa ee ugu dambeeyay, Malaysia waxay soo jeedisay adeegsiga dahabka iyo ka ganacsiga iibka si loo xakameeyo cunaqabateynta mustaqbalka.

Xayiraadaha ganacsiga ayaa door ka ciyaara siyaasada shisheeyaha, laakiin dagaalka dhaqaale waa dagaal dhibkiisana ma yara, tanina waxay u horseedi kartaa isku dhac dhab ah, dagaalkuna wuxuu dili karaa cawaaqib daran.

Arrintan la yaalbka leh oo uu qoraagu soo qaatay ayaa waxay tahay, markii danjirahii Qaramada Midoobay, Albright, wax laga weydiiyay geerida nus malyuun reer Ciraaq ah oo cunaqabateyntii Mareykanka darteed u geeriyooda, jawaabta uu ka bixiyay ayaa ahayd mid naxdin leh isagoo yiri, “waxaan u maleyneynaa in qiimahaasi uu uqalmo”.

Si kastaba ha noqotee, dagaallada dunida ka socda ayaa haatan ah kuwa dhaqaale ku saleysan iyadoo si toos ah iyo si dadbanba loo eegayo, laakin arrinta muhimka ah ayaa waxay tahay in Mareykanku uu u muuqdo mid lagu soo baraarugayo oo wajahaya iska caabin iyo tartan, taasoo haddii ay soo socoto is badal keeni karta, laakin dhanka kale waxaa iyana halisteeda leh siyaasadda boobka dhaqaale ee uu Shiinuhu ku hayo wadamada Muslimiinta oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*