Wararka Dibadda

Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Trump oo Ka Socda Mareykanka Xilli Uu Jiro Qabow Daran.

Kumanaan haween ah ayaa ka qeyb qaatay isu soo bax looga soo horjeedo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyagoo sheegay iney sii wadayaan mucaaradidooda ka dhanka ah maamulka xukuumadda Washinton.

Kaqeybgalayaashii dibad baxa ayaa muujinaya cabsi ay ka qabaan inuu mar kale Tramp ku guuleysto madaxtinimada dalkaas marka la gaaro Novemberta ee soo socota.

Sanadkii 2017, inka badan seddex milyan oo qof ayaa ka qeybqaatey mudaaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadda guud ee dalka.

Dhowr kun ayaa Sabtidii isugu soo baxay Washington, wakhti ay banaanbaxyo xaddidan laga abaabulay New York iyo gobollada kale.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa wajahaya qabow aad u daran iyo baraf dhacaya.

Mudaaharaadyadan, oo ay soo abaabuleen ururada haweenka, ayaa sanad walba la soo celiyaa, maaddaama ay caado u noqdeen inay midoobaan dhammaan kuwa ka soo horjeedda Madaxweyne Trump iyo siyaasadaha uu ka soo horjeedo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*